Fursadda ugu dambeysa ee kooxda Maxamed Farmaajo

Image
Maalmaha kooxda Nabad iyo Nolol ayaa tirsamaya xilli masiirka "kabiirkooda" Fahad Yaasiin uu mugdi galay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ka hor inta aan la gaarin doorashadii taariikhiga ahayd, Xildhibaanada taageersan Villa Somalia ayaa door biday Maxamed Mursal, Guddoomiyaha xilka ka degay, kaas oo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu muddo kororsi u sameeyo Farmaajo bishii April 2021, taasoo dhalisay kala qeybsanaan ka dhex abuurantay ciidamada, oo muddo sanado ah la daalaa dhacayey xasilinta dalka.

Mursal waxaa loo arkayey in uu madax u ahaa “la xisaabtan la’aanta iyo kali-talisnimada” Soomaaliyadan casriga ah, isagoo  caburin ku sameeyay mucaaradka dowladda Farmaajo, waxaa uuna inta badan dagaal la galay Aqalka Sare kuwaas oo  isku xira xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Waxaa intaa dheer in uu god madow ku jiro masiirka Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka [NISA], oo loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 waxaana waqtigii quruxda badnaa ee la taliyaha madaxweynaha si degdeg ah u joojiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaalka [FEIT] iyadoo mar kale kaga adkaatay maxkamadda sare ee dalka

Fahad Yaasiin oo hadda la taliye sare u ah Farmaajo, ayaa marar badan lala xiriiriyay wax isdaba marin isagoo adeegsanaya awoodda Hay’adda NISA iyo eedeymo la xiriira ciidamada weli ku maqan dalka Eritrea, Waxaa loo arkayay inuu yahay "ka ganacsadaha qaska iyo fowdada" ee Soomaaliya.

Balse ninkii isaga badaley  ee Yaasiin Fareey ayaa si un ugu suurtagashay in uu helo xubinimada baarlamaanka isagoo Arbacadii la dhaariyay. Ma cadda in Fareey uu iska casilay xilkii NISA, sida ay dhigayaan sharciyada kala duwan ee doorashada.

Ciidamada NISA iyo kuwa Gorgor ee caanka ah ee lagu soo tababaro dalka Turkiga ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay caburiyaan dimuquraadiyadda Geeska Afrika, iyaga oo ku xad gudba xuquuqda mucaaradka iyo xitaa suxufiyiinta, waxaana ugu danbeyn hawada qabsatay dabaysha isbedel doonka.

Tanaasul iyo waaberiga cusub

Kadib doorashadii Gudoonka Aqalka Hoose ee sida aad ka ah loogu loolamay, waxaa hadda diiradda la saarayaa doorashada madaxweynaha, oo aan wali waqtigeeda la cayimin.

Dhammaan 54-ka Senatar iyo 275-ka xubnood ee Aqalka Hoose ayaa ka qeyb galaya howshan, iyadoo horay ay uga dhaceen kiisas la xiriira laaluush, wax isdaba marin iyo musuq-maasuq.

Nasiib darro, doorashada hoggaanka labada aqal ayaa muujineyso in uu Farmaajo uu dhibaato kala kulmi doono si uu u meelmariyo qorshihiisa dib u doorashada, madaama ay gacantiisa ka baxeen labada aqal ee dalka.

Ka hor inta uusan u hambalyeyn Madoobe, xoghayaha warfaafinta ee Farmaajo Cabdirashiid Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay waxa ay Villa Somalia ugu hambalyeysay Cabdinuur.

War-saxaafadeedkaas ayaa si degdeg ah looga noqday iyadoo Farmaajo uu u muuqday mid uu ku qancay doorashada Madobe oo uu ammaanay guushiisa.

Fursada ugu dambeysay Villa Soomaaliya

“Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe” guushii uu ka gaaray doorashada,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa hormuud ka ahaa mucaaradkii aqoonsaday guusha Madoobe, isagoo ku dooday in loo baahan yahay in isbedel weyn lagu sameeyo hay’adaha sharci dejinta si loo helo barwaaqo iyo xasilooni u dhalata Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyeynayaa Aadan Madoobe oo loo doortay inuu hoggaamiyo Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Hoose ee Soomaaliya, runtii aqoonta ballaaran ee Madoobe uu u leeyahay hay’adaha sharci dejinta ayaa ah mid aad loogu baahan yahay marxaladdan adag ee Soomaaliya ay hadda ku sugan tahay,” ayuu yiri.

“Arrinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadda si guul ah kusoo gebagebowdaay, waxaana u hambalyeynayaa guddoomiyaha cusub ee la doortay, waxaana u rajeynayaa inuu si wanaagsan u guto waajibaadkiisa,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada hoggaanka Aqalka Hoose.

Farmaajo ayaa hadda wajahaya Ra’iisul Wasaarihii hore Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Mucaaradka ayaa hadda u muuqda inay adeegsanayaan xeeladda doorashada hoggaanka Aqalka Hoose, oo ay u badan tahay in uu ku soo baxo hal musharax. Tartanka madaxtnimadda waa fursadda ugu dambeysa waayaha kooxda Farmaajo oo loo garan-og-yahay Nabad iyo Nolol iyadda oo maalmaha ay sii joogayaan Madaxtooyadda Qaranka uu tirsamayo waxayna kusii nagaan doonan ayaga oo damaanad haysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM