G7 oo fariin u dirtay madaxda Soomaalida maalin ka hor codaynta.

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadamadda ku hormaray warshadaha ee Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ku booriyay madaxda Soomaalida in doorashada madaxweynaha ay ku soo gabagabeeyeen waqtigii loo qorsheeyay.

Wasiirka arrimaha dibadda G7 oo ku shiray Jarmalka maanta oo Sabti ah ayaa sheegay in ay ka codsanayaan “madaxda Soomaaliya in ay ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada ee socda si loo wada dhan yahay, daah-furan oo sharci” taas oo kalsooni siinaysa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo dowladda hada la soo dhisayo.

Kooxda todobada ah ee hogaamisa dhaqaalaha aduunka ayaa sheegtay in ay “ soo dhawaynayso horumarka baaxadda leh ee laga gaaray dhameystirka hannaanka doorashada baarlamaanka iyo dadaalka loogu jiro qabashada codaynta madaxweynaha.

G7 ayaa qirtay sida ay ugu xuntay “in boqolkiiba 30-ka ee qoondada haweenka aan la buuxin. Waxaan aad uga walaacsanahay abaaraha sii xumaanaya iyo dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee socda”.

"Warbixinada ku saabsan xadgudubyada galmada iyo jinsiga ee joogtada ah waa wax laga xumaado” ayaa lagu yiri qoraalka kooxda oo intaasi ku daray “Waxaan aqoonsannahay baahida degdegga ah, tallaabo wadajir ah oo ka timaada beesha caalamka si looga hortago masiibo xun oo ka sii daraysa xasaradahan loona dhiso adkaysi”.

Wadamadda ku hormaray warshadaha ayaa hoosta ka xariiqnaa baahida loo qabo dadaallada joogtada ah ee looga hortagayo xagjirnimada rabshadaha wata ee Soomaaliya, waxa ayna ku boorisay wadanka hirgelinta wax ku oolka ah iyo in ladhisao awoodda Soomaaliya si wadanku u awoodo in uu la wareego mas'uuliyadda amniga qaranka.

Kooxda todobada ah ee hogaamisa dhaqaalaha aduunka ayaa ugu dambayntii bogaadisay waajibaadka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee Hawlgalka Ku-meel-gaadhka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM