Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalana waxaa soo gaarey dhaawac ka gedaal markii Arbacada maanta ah qarax uu ka dhacay degmada Karaan ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari dadweynaha ka wacyigelinaayey safmareenka Coronavirus, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo illo dhanka amniga ah.

"Gaariga markii la beegsanayey wuxuu marayey xaafadda Qoob-dooro. Qofka dhintay wuxuu ahaa darawalka, halka dhaawacyada ay yihiin askari ilaalineysay," ayuu yiri goobjooge u waramay Garowe Online.

Maamulka degmadda Kaaraan oo tegay goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay qaraxa miinada ay ahayd nooca boodda isla markaana ay baaritaan ku sameynayaan cidda ka dambeysay.

Laamaha ammaanka oo tagay meesha ay wax ka dhaceen ayaa sameeyay baaritaano aan la ogeyn haddii ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaadkii maleegay weerarkaas qaraxa ahaa.

"Waxaan tacsi direynaa darawalka qabanaayey shaqadan muhiimka u ah. Askarta dhaawacantay waxaan u rajeynaynaa soo kabasho deg-deg ah," ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka degmada.

Al-Shabaab oo looga bartay weerarada noocaan ah ayaan wali wax war ah kasoo saarin. Beegsiga gaariga wacyigelinta Covid-19 wuxuu waxyeeleyn karaa ololaha wacyi-gelinta ka hortaga fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM