Gabdho magacyo been ah isticmaalay ayaa dilay Yariisow: Warbixin Cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laba haween ah ay ku lug lahaayeen qaraxii 24-kii July ka dhacay guriga dawladda Hoose ee Muqdishu oo lagu dilay Duqii Muqdisho iyo siddeed qof oo kale.

Dawladda ayaa sheegtay in gabadha Isa soo miidaamisay ay qabtay baahiyaha gaarka ah, isla markaana ay ku takri-fashay caaddifaddii loo hayey.

Dawladda waxay Sidoo kale sheegtay In labada haweenka ah ay qaateen fasaxyo isku dhow isla markaana ay u safreen dhulka ay ka taliyaan Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale dawladdu sheegtay in baadhitaankii loo baahnaa aan la marsiin markii la shaqaalaynayey labada dumarka ah.

Haddaba dawladda Soomaali ma shaacin magacyada labada dumarka ah, laakiin baadhitaan ay samaysay VOA gaar ahaan barnaamijka Galka Baarista ayaan ku ogaanay In labada gabdhood ay magacyo qalad ah siiyeen dawladda markii la shaqaalaynayey.

Gabadha is aarxisay siday ay hay’adaha amnigu sheegeen waxay in muddo ah isticmaalaysay magaca Basira Cabdi Maxamed, laakiin magaceeda dhabta ah waa “Maryan” sida uu ogaaday Galka Baarista.

Gabadha labaad ayaa iyana ku shaqaynaysay magaca “Deggan”, hase yeeshee magaceeda dhabta ah waa “Hodan”. Waxay Sidoo kale Hodan ka been sheegtay iskuulka ay dhiganaysay markii shaqada la qorayey.

Hodan Waxa la aaminsan yahay inaysan ku dhiman weerarka, ayna u baxsatay dhulka ay Al-Shabaab ka taliyaan.

Galka Baarista waxa kaloo ogaaday In markii ay fasaxa qaateen ay ku horraysay Hodan, kadibna Maryan, ayna soo laabatay maalmo ka hor dabbaaldegyadii xorriyadda.

Maryan ayaa ku dadaashay inay ka qaybgasho munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo labadaba Madaxweynuhu ka qaybgalay, hase yeeshee waxaa baaritaan ku jira inay doonaysay in madaxweynaha ay bartilmaameedsato.

Warar dhinaca amniga ah waxay sheegeen In la bixiyey digniino ku saabsan dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn. Ma cadda In labada dumarka ah si gaar ah loo xusay.

Saraakiishu waxay Sidoo kale aaminsan yihiin In Allaha u naxariisto guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu lacag dhan 10 kun oo dollar siiyey Maryan markii ay u sheegtay inay dhakhtar u tageyso Hindiya ah taasi oo been noqotay, siday xogaha amnigu sheegeen.

Galka Baarista ayaa ogaaday in maalinta qaraxa aan labada gabdhood midkoodna lagu samaynin baaritaan, ayna tageen xafiiska guddoomiyaha iyagoo codsanaya inay la kulmaan balse loo sheegay inuu mashquulsan yahay.

Saraakiisha amnigu waxay aaminsan yihiin in qaraxu ku xirnaa Maryan. Labada gabdhood ayaa soo galay dhismaha Ilaa saddex saac ka hor xilliga qaraxu dhacay.

VOA + GO

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM