Gafkii Madeira ka galay Soomaaliya ee Farmaajo ugu sacab-tumayey

Image
Wakiilkii Midowga Afrika ayaa todobaadkan lasoo gabagabeeyay joogitaankiisa magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa la daalla dhacaya eedeymaha musuqmaasuqa, maamul xumo, caga jugleyn iyo faragelin siyaasadeed. Tani waxay daba socotaa eedeymo isdaba joog ah oo dhaawici kara kalsoonida Amisom.

Warbixin gudaha ah oo ay soo saartay Midowga Afrika (AU) ayaa ku dhaleeceysay Francisco Madeira inuu si xun ula dhaqmo shaqaalaha – oo ay ku jiraan diidmada bixinta taakuladda nadaafadda – adeegsiga aflagaado, afduubka deeqaha Amisom si loo helo masrax siyaasadeed iyo in uu dhinac ka istaago xaaladaha la filayo in howlgalka uu noqdo dhexdhexaad.

Arrintan ayaa soo shaac baxday iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ay ka codsadeen Midowga Afrika in dibloomaasiga Mozambique dib loogu yeero.

"Madeira waxa uu dhowr jeer sheegay in Amisom ay dhexdhexaad ka ahaan doonto marka ay jiraan khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhaxeeya siyaasiyiinta Soomaaliyeed, balse tani kuma ekaan ficilladiisa," ayaa lagu yiri warbixin sir ah oo uu todobaadkii hore gudbiyay madaxa falanqeynta unugga Howlgalka Amisom, Walters Samah.

"Madeira waxa uu soo bandhigay hab maamul oo khaldan, oo lagu garto cabsi, tuhun, hanjabaad, musuqmaasuq, eex, cagajugleyn iyo cabsigalin" yiri isagoo ka digaya in haddii aan wax laga qaban, laga yaabo in howlgalka uu ku guuldareysto inuu mawqifkiisa ku taageero hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ra'yiga dadweynaha ee Madeira

Madeira ayaa ahaa madaxa Amisom tan iyo bishii January ee sanadkii 2016-kii markaas oo uu u bedelay diblomaasi u dhashay Tanzania Augustine Mahiga oo ahaa wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya.

“Laakiin isagoo ah madaxa howlgalka loo xilsaaray inuu gacan ka geysto xasilinta dalkaan ku yaalla Geeska Afrika, ra'yiga dadweynaha ee Madeira ayaa ahaa mid muran dhaliyay”  ayaa lagu yiri warbixinta.

Dukumentiga waxaa la horgeeyay xafiiska madaxa nabadgalyada iyo ammaanka ee Midowga Afrika Smail Chergui, oo Amisom hoos timaada.

AMISOM – oo la sameeyay 2007dii si ay gacan uga geysato dagaalka Al-Shabaab - hadda waxay leedahay shan wadan oo ay ciidamada ka joogaan. Waxay kala yihiin Kenya, Uganda, Burundi, Djibouti iyo Ethiopia.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Amisom ay door muhiim ah ka ciyaartay nabadda iyo dhismaha dowladnimada iyo xasilinta ballaaran ee Soomaaliya.

Balse warbixinta ayaa intaa ku dartay in hogaanka Amisom uu si joogta ah u farageliyo siyaasada Soomaaliya, iyagoo inta badan la safta dowladda Federaalka ama si fudud u eega dhanka kale marka lagu tunto xuquuqda rayidka.

Xalka waara ee dhibaatada siyaasadeed

Toddobaadkii hore, xildhibaanno ku sugan Muqdisho ayaa codsaday in xilka laga qaado Madeira oo la sheegay inuu faragelin ku sameeyay arrimaha gudaha ee dalka.

Kulan dhanka farsamada ah oo uu la yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay usbuucii hore, Madeira wuxuu sheegay in qorshayaasha doorashooyinku ay socdaan, in kasta oo aysan jirin waqti cayiman.

Dowladda federaalka ayaa kula heshiin weyday dowlad goboleedyada qaabka doorashada.

Faallo kale, Musambiik ayaa u muuqday mid taabtay neerfaha ceyriinka ah, markii uu ku tilmaamay heshiis awood qeybsi oo dhawaan ka dhacay Jubbaland mid loo xaglinayo hal qabiil.

Waxa uu ku dooday in Amisom ay "fiiro gaar ah u leedahay" heshiiska ay ku heshiiyeen mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inay ku ayidaan guushii uu ka soo hooyay doorashada, si ay ugu bedelaan shaqooyin hufan.

“Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku adkeysaneynaa in loo baahan yahay in la sii amba qaado, lana hubiyo in dhammaan beelaha ay isugu yimaadaan shir ay isugu imaanayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland, si xal waara looga gaaro dhibaatooyinka siyaasadeed, kuwa bulsho iyo dhaqaale ee weli ku hareeraysan dowladda federaalka ah ee xubinta ka ah. "ayuu yiri Madeira.

Hadalkan ayaa ka caraysiiyay madaxda qaar, gaar ahaan garabka Madoobe, oo u arkay inay la safan tahay Muqdisho, oo diiday inay aqoonsato hoggaamiyaha Jubbaland.

Ololaha dhinaca online-ka

Codsi online ah, ugu yaraan labaatan xildhibaan ayaa taageeray baaqa ahaa in guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat uu dib ugu yeero Madeira.

Cabdimaalik Cabdullaahi oo ah cilmi baare arrimaha siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegay in Madeira uu taabtay arrin xasaasi ah.

“Waxa uu si cad u sheegay qabaa’ilka looma yeedhin, ugu yaraan dublamaasi heerkiisa ah,” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa raaciyay "Madeira waxay ahayd inuu u daayo siyaasiyiinta maxalliga ah. Saxnimada diblumaasiyadeed ayaa ugu muhiimsan xaaladda Soomaaliya”.

Afar sano oo uu Soomaaliya joogay, dadka wax indha indheeya ayaa ku doodaya in Madeira laga yaabo in uu ka badbadiyay soo dhaweyntiisa, isaga oo u oggolaaday siyaasiyiinta in ay adeegsadaan.

"Tani waa dhibaato Midowga Afrika oo aan si joogto ah u beddelin ergadeeda. Soomaalidu aad bay u caqli badan yihiin,” ayuu ku dooday Cabdallah Ibraahim, oo ah aasaasaha xarunta cilmi-baadhista iyo daraasaadka istiraatijiyadeed ee Bariga Afrika.

“Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya waa arrimaha qabiilka. Markaad u muuqato inaad mid saaxiib la tahay, dabcan waxa la idiin arkayaa inaad dhinac ka raacday arrin qaran.”

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, oo ku gacan sayraya amarka ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa taas beddelkeeda sheegay inay qadanayaan go’aanka madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, sidaas darteedna uu sii joogayo, talaabadaas ayaa loogu yeeray mid lagu sagootinayay danjiraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM