Galmudug: Annaga ma ogin shir ka dhacaya Xalane

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa si aan toos ahayn wuxuu u xaqiijiyey in uu shuruudo ku xiray ka qeybgalka shirka lagu waddo in uu Muqdisho ku dhexmaro maamulada iyo xukuumada federaalka Soomaaliya.

Axmed Shire Falagle, wasiirka warfaafinta Galmudug oo u waramay Idaacadda maxaliga ah ee Kulmiye, ayaa shaaca ka dhigay in ay doonayaan in shirka martigeliyo maamul goboleed ama dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mr Falagle oo sheegay in madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] uu ku sugan yahay dalka Turkiga isla markaana uu dhowaan soo gaari doono Muqdisho ayaa hoos u dhigay shirka ay Beesha Caalamka agaasintey.

"Shirkaas ka dhacaya Muqdisho dowladda Soomaaliya ayaa iclaamisay madaxweynaha ayaa isugu yeeray madaxda maamuladda si loo dhameystiro heshiiskii Dhuusamareeb 4 iyo soojeedinta guddiga farsamada ee Baydhabo," ayuu carabka ku adkeeyay wasiir Axmed Shire Falagle.

Wuxuu ku daray: "Halbeega dowlad goboleedka Galmudug waa in aysan shuruud ku xiran meel looga arrin-sanayo danaha Soomaaliya".

"Annaga ma ogin mid Xalane ka dhacaya. Madaxweynaha Puntland iyo Jubaland ayaa yiri magaaladda dhexdeeda amni kuma qabno. Xalane oo ciidamadda AMISOM ay joogaan ayaan daganeynaa," ayuu hoosta ka xariiqay.

Wuxuu xusay: "Shirka maamul goboleed ayaa qabanaya ama dowladda federaalka ayaa qabaneysa. Kanna waa shirkii Dowladda federaalka martigelin lahayd".

Madaxweynaha xilliga ka idlaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo carqaladeynaya furitaanka wadahadalkan xalka loogu goobayo khilaafka doorashada ayaa maamuladda taabacsan ku riixaya in aysan aqoonsan shirka isha loogu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM