Galmudug: Dhimasho ka dhalatay qarax lala eegtay ciidamo

Image
Dhuusamareeb ayaa la filayaa inay dhowaan ka billaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

DHUUSAMAREEB, Galmudug — Inta la xaqijiyay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay ku dhawaad 10 kalena way dhawacmen kadib markii uu qarax haleelay gaari ay la socdeen, deegaanka Sindhiqo oo 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa VOA u sheegay in qaraxa kadib uu dagaal dhex-maray ciidamada dowladda iyo maleeyshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka iyo qaraxa ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay deegaano hoostaga Dhuusamareeb ay ka sameeyeen howlgallo kadibna Shabaabka ay qarax u dhigeen.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay qabsadeen deegaanka Sindhiqo oo ay ka saareen Shabaabkii ku sugnaa.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay VOA waxay sheegteen inay dagaalka ku dileen tobaneeyo maleeshiyo oo Al-Shabaab ka tirsanaa, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Dhuusamareeb oo la filayo inay dhowaan ka billaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Jeneraal Yuusuf Raage iyo taliyaha NISA Yaasiin Farey.

VOA

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM