Galmudug: Jeneraal Saadaq Joon oo loo doortay Xildhibaan

Image
Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardarleh uga socota maamul goboleedyada iyo Muqdisho

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Saadaq Cumar Xasan (John) ayaa goor dhaweyd loo doortay inuu ka mid noqdo Golaha Shacabka ee BFS, kaddib markii doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb uu helay 81 cod, waxaana kursigan shantii sano ee la soo dhaafay Xil. Maxamed Axmed Abtidoon.

Cabdullaahi Xirsi Diirshe oo Saadaq John kursigan kula tartamay ayaa helay 17 cod, waxaana xumaaday laba cod, sida uu shaaciyay guddiga hirgalinta doorashada heer Galmudug.

Saadaq John oo ahaa taliyihii ciidamada booliska Gobolka Benaadir, ayaa madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo sheegay in  xilka iyo derajada Sarrreeye Guuto ka qaaday bishii April ee sanadkii hore, kadib markii uu sheegay inuu hor istaagay fadhi uu lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo uu ku eedeeyay in ay doonayeen muddo kororsi uu ku tilmaamay inuu ahaa sharci darro.

Saadaq ayaa intaasi ka dib qayb ka ahaa saraakiishii la baxay Badbaado qaran ee hor istaagay mudo kororsi labo sano ah oo uu damacsanaa madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Galmudug ayaa maanta dib u biloowday doorashada kuraastaa golaha shacabka, waxaana Dhuusamareeb lagu dooran doonaa ilaa afar kursi.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardarleh uga socota maamul goboleedyada iyo Muqdisho, waxaana qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bisha Febraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM