Galmudug oo Diiday Wakiilo xisbiga Xasan Sheekh JSP u magacaabay Gaalkacyo iyo Cadaado

Image

GALMUDUG — Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug ayaa diiday in xisbiga talada haya ee Justice and Solidarity Party (JSP), uu wakiillo u magacaabo degmooyin ka tirsan deegaanka, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa xeerarka nidaaminta axsaabta siyaasadda.

Magacaabista muranka dhalisay oo Axaddii la sheegay in ay dhacday ayaa ku jirtay Abdimanan Maxamed Cusmaan oo loo magacaabay wakiilka JSP ee degmada Gaalkacyo, gobolka Mudug, iyo Cali Axmed oo loo magacaabay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeed ay xalay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug waxay ku sheegtay in magacaabistaasi aysan waxba ka jirin, isla markaana ay diyaarinayso hagayaal cusub oo qeexaya sida axsaabta siyaasadda uga qeyb gali karaan doorashooyinka, gaar ahaan kuwa goleyaasha deegaanka.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in baaritaan lagu samayn doono cidda ka dambeysay magacaabista, taas oo ay ku tilmaantay “ficil sharci-daro ah”.

Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay xubno ka yihiin mas’uuliyiin heer sare ah oo ay ku jiraan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa wajahaya su’aalo la xiriira arrintan.

Axsaabta doonaysa inay ka qayb galaan doorashooyinka soo socda ayaa lagu wargeliyay inay sugaan ilaa ay si rasmi ah u dhaqan galaan hannaanka iyo habraacyada ay soo saari doonaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (NIEBC).

NIEBC horay ayay u faragtay dowlad-goboleedyada inay u oggolaadaan axsaabta diiwaangashan inay xafiisyo ka furtaan dhulkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Hay’adaha QM ee Soomaaliya ay shaqaale tirro badan eryaan?

Dib-u-dhacani wuxuu sii adkeeyay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, xilli malaayiin qof wajahayaan macluul.

  • Soomaliya

    01-12-2025

  • 08:54AM

Kismaayo oo martigelinaysa shir looga arrinsanayo doorashooyinka iyo dastuurka Soomaaliya

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu noqon doono goob muhiim ah oo lagu gorfeynayo aragtiyaha iyo doodaha siyaasadeed.

  • Soomaliya

    01-12-2025

  • 07:54AM