Galmudug oo u gaarsanaysa Sheekh Shaakir iyo saraakiil kale

Image
Liiskaan waxaa ku jira saraakiil badan oo horay uga tirsanaa jiray ciidanka dowladda Soomaaliya.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Taliska booliska Galmudug ayaa soo saaray liiska 36 qof oo ay sheegeen in ay ku raadjoogaan, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii ay Ahlu-Sunna ku soo qaaday Dhuusamareeb, dadkaan waa ku jira Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo saraakiil kale.

Madaxda howlgallada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo warbaahinta u akhriyey bayaankii kasoo baxay Taliska booliska ayaa soo bandhigay sawiirada dadka la doon-doonayo.

Dadkaan lasoo bandhigay ee lagu raad joogo ayuu sheegay Taliye Nuur Cilmi inay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka tirsan Galmudug, isagoo bulshada reer Galmudug ka codsaday in dadka ku jira liiskaan ay booliska lasoo wadaagaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, si sharciga loo hor keeno.

Sidoo kale dowlad goboleedyada deriska la ah Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku garab siiyaan maamulka Galmudug, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa saraakiishaan ka tirsan Ahlu-Sunna.

Saraakiisha ku jirta liiska dadkaan ay Galmudug doon-dooneyso waxaa ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, Taliyihii ciidanka Ahlu-Sunna Jeneraal Cabdulqaadir Xaaji Diiriye (Hanbacoor), guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullahi Maxamed Bare Beentay, Taliyihii hore ee NISA – Galmudug, G/Sare  Cabdullahi Cabdi Raage iyo saraakiil kale.

Liiskaan waxaa ku jira saraakiil badan oo horay uga tirsanaa jiray ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dib ugu laabtay ciidanka u dagaalama Ahlu-Sunna ee dhowaan uu Sheekh Shaakir ka aas-aasay galbeedka gobolka Galgaduud.

Ciidanka Ahlusunna oo looga itaal roonaaday dagaal Jumcihii ka dhacay Dhuusamareeb ayaa inta badan galay dhulka howdka ah ee dhexeeya Dhuusamareeb iyo Caawduwaaq, halka kuwa kala ay gaadiidkii dagaalka ku wareejiyeen odoyaasha dhaqanka hubkoodiina ay duur la galeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM