Gargaar loo wado SSC-Khaatumo oo laga diray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa magaalada Muqdisho ka dirtay deeq gargaar ah oo qeyb ka ah deeqaha dowladda Shiinaha ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku wajahan degaannada maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Gargaarkaan oo ka kooban 500 oo tan oo raashin ah ayaa Doon looga qaaday Dekedda Muqdisho, taas oo geyn doonta Boosaaso looga daabuli doono gaadiid.

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in Hay'addu u taagan tahay caawinta bulshada Soomaaliyeed, si kasta oo wax loo gaarsiin karaana lagu gaarsiinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM