Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay qorshaha dhismaha garoon diyaaradeed caalami ah oo cusub, kaasi oo laga dhisayo deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuna dhaw caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha si loo dardargeliyo dib u soo kabashada dalka.

Garoonka cusub ayaa loogu talagalay in uu yareeyo culeyska saaran Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, isla markaana kobciyo isku xirka gudaha iyo dibadda dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha garoonkan oo lagu bixinayo $800 milyan uu ku dhammaan doono muddo shan sano gudahood ah.

“Garoonkani ma aha oo keliya meel laga raaco diyaaradaha, waa iridda loo marayo mustaqbalka Soomaaliya. Waa fursad lagu beddelayo dhaqaalaha, lagu abuurayo shaqooyin, laguna xoojinayo awoodda qaranka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka hadlayey munaasabad lagu daah-furay mashruuca, ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin heer federaal iyo heer gobol.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, taasoo Muqdisho u diyaarinaysa in ay noqoto xarun muhiim u ah gaadiidka hawada ee Bariga Afrika.

Mashruucan ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay dabayaaqadii 2024, wuxuuna ka mid yahay mashaariicda ugu waaweyn ee dowladda Xasan Sheekh ay hirgelinayso, iyada oo kaabeyaasha dhaqaalaha u aragta laf-dhabarta dib-u-dhiska iyo nabadeynta dalka.

Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado amni iyo horumar la’aan muddo dheer ka dib dagaallo sokeeye, iyadoo la sheegayo in nidaamka waddooyinka dalka uu yahay midka ugu liita Geeska Afrika, taasoo dadka badankoodu ku qasbeysa in ay isticmaalaan diyaaradaha oo ah kuwo degdeg ah balse qaali ah.

Qorshahan garoonka cusub ayaa kusoo beegmaya xilli waddamo daris la ah Soomaaliya, sida Kenya, Rwanda, iyo Itoobiya, ay wadaan dhismooyin cusub iyo dib-u-habeyn lagu sameynayo garoomadooda caalamiga ah, si ay ula jaanqaadaan baahiyaha sii kordhaya ee gudaha iyo dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM