Garsoore Federaal ah oo Amray in la Sii Daayo Wiil Shan Jir ah iyo Aabbihii oo ay ICE Xirtay

Image

Garsoore ka tirsan maxkamad federaal ah ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo wiil shan jir ah oo la yiraahdo Liam Conejo Ramos iyo aabbihii, Adrian Alexander Conejo Arias, kaddib markii toddobaadkii hore lagu qabtay afaafka gurigooda oo ku yaalla gobolka Minnesota. Arrintaas ayaa kicisay caro ballaaran oo ka dhalatay guud ahaan dalka, iyo dibadbaxyo ka dhacay xarunta lagu hayo qoysaska muhaajiriinta ee Dilley, Texas, halkaas oo labadooda lagu xidhay.

Garsooraha, Fred Biery, ayaa go’aankiisa ku sheegay in waraaqaha qabashada ee ay hay’adaha fulintu si toos ah ugu soo saareen saraakiishooda aysan buuxin shuruudaha sharci ee caddeynta sababta lagu qabto qof. Wuxuu ku tilmaamay arrintaas mid u eg “in dawaco ay ilaalinayso digaag,” isagoo xusay in Dastuurku dalbanayo in go’aanka noocan ah uu bixiyo garsoore madax-bannaan.

Hoosta saxiixiisa, garsooruhu wuxuu ku lifaaqay sawir caan noqday oo muujinaya Liam xilli la qabtay, isagoo xiran boorso Spider-Man ah iyo koofiyad buluug ah. Sawirkaas iyo qabashada wiilka yar ayaa sii huriyay muran iyo xiisad u dhaxeysa dadka Minnesota iyo dadaallada xukuumadda Trump ee la xiriira fulinta sharciga socdaalka.

Qareennada qoyska ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin go’aanka maxkamadda, ayna hadda ka shaqeynayaan in ilmaha iyo aabbihii si degdeg ah oo ammaan ah dib loogu mideeyo qoyskooda, si ay u helaan nasasho kaddib waayo-aragnimadii naxdinta lahayd.

Waaxda Caddaaladda ma aysan bixin wax faallo ah. Garsooraha ayaa faray in labada qof la sii daayo sida ugu dhakhsaha badan, ugu dambeynna Talaadada.

Inkasta oo uu xusay in nidaamka adag ee socdaalka Mareykanka uu keeni karo in mustaqbalka ay dib ugu laabtaan dalkooda, garsooraha wuxuu ku adkeystay in arrintaas ay tahay inay ku dhacdo si nidaamsan oo naxariis leh, halkii ay ka ahaan lahayd hab waxyeello u geysta carruurta.

Qabashada carruurta ee xarunta Dilley ayaa maalmahan dhalisay cambaarayn sii kordheysa. Boqolaal hoggaamiyeyaal diimeed, shaqaale iyo u doodayaal ayaa dibadbaxyo ka dhigay halkaas, iyagoo dalbanaya in qoysaska la sii daayo. Xildhibaan Joaquin Castro oo ka tirsan Congress-ka ayaa u mahadceliyay dadka taageerada muujiyay, isagoo sheegay inuu la xiriiray hooyada Liam iyo qareennadiisa si uu u xaqiijiyo in wiilka badbaado ku jiro.

Maamulka Amniga Gudaha ayaa sheegay in saraakiisha ICE aysan beegsan wiilka, balse aabbuhu la cararay saraakiisha, mid ka mid ahna uu la joogay Liam si uu u ilaaliyo. Qareenka qoyska ayaa dhankiisa sheegay in labadooduba ay raacayeen nidaamka sharciga, iyagoo dalbanayay magangalyo.

Garsooraha Biery, oo uu xilka u magacaabay Madaxweyne Bill Clinton, ayaa xitaa go’aankiisa ku daray tixraacyo diini ah iyo qodobo ka mid ah Dastuurka, isagoo ku eedeeyay dowladda inay ku socoto qorshe xad-dhaaf ah oo tirakoob ku saleysan masaafurin, taas oo, sida uu sheegay, dhaawac ku keeni karta carruurta. Wuxuu ku booriyay in sharciga iyo bani’aadannimadu ay noqdaan hagaha ugu weyn ee la tacaalida arrimaha noocan ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka ku hanjabay inuu tallaabo militari ka qaadi doono burcad-badeedda Soomaaliya

Ma jiro jawaab degdeg ah oo ka timid Pentagon oo ku saabsan in amar cusub la siiyay ciidamada Mareykanka ee ku wajahan burcad-badeedda.

  • Soomaliya

    31-01-2026

  • 11:02AM

Turkiga oo saddex diyaarad dagaal F-16 ah u diray Muqdisho

Bayraktar ayaa sheegay in qodista lagu sameyn doono blocks badeed oo ku jira biyaha dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    31-01-2026

  • 08:10AM