Shuuke: Mid Kamid Ah Tiirarkii Waxbarashada Soomaaliya oo Geeriyooday

Image

GAROWE, Soomaaliya- Waxaa caawa magaalada Nairobi ku geeriyooday, Ilaahay ha u naxariistee, Cabdiraxmaan Cabdulle Codweyn (Shuuke), oo kamid ahaa tiirarkii ugu muhiimsanaa ee waxbarashada Soomaaliya. Shuuke ayaa shaqooyinkiisa waxbarashada ku bilaabay kaaliye macalin, ilaa uu ka gaaray heerka wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Taariikh Nololeed

Shuuke wuxuu ku dhashay magaalada Eyl  sanadka 1937, wuxuuna shaqada waxbarashada ka bilaabay magaalada Eyl, halkaas oo uu ka noqday macalinkii ugu horreeyay. Isagoo la hadlayay barnaamij wareysi ah oo uu leeyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayuu xusay in markii Talyaanigu qabsaday degaannada Majeerteenya, isaga oo arday ah laga dhigay kaaliye macalin. Inta uu macalin ka ahaa dugsiga hoose ee degmada Eyl, ayuu sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, uu ka mid ahaa ardaydiisii.

Shuuke wuxuu door weyn ku lahaa horumarinta xarumaha waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Puntland. Wuxuu si gaar ah u dhisay dugsiyada waxbarashada Eyl iyo Garowe, oo maanta ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee waxbarashada Puntland.

Xilalkii Uu Soo Qabtay

Shuuke ma uusan ahayn macalin oo kaliya, wuxuu sidoo kale qabtay xilal sare oo muhiim ah. Kahor burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, wuxuu noqday Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Burburkii ka dib, Shuuke wuxuu madax ka noqday Hay’adda PDRC, oo muddo dheer ka shaqeysay dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Puntland. Halkaas ayuu ku lahaa doorkii ugu weynaa ee uu kaga qayb qaatay sidii loo dhisi lahaa bulsho kuwada nool nabad-galyo.

Geerida Cabdiraxmaan Cabdulle Codweyn (Shuuke) ayaa uga dhigan tahay in caawa uu Soomaaliya ka baxay khabiir sare oo ku xeel dheer waxbarashada. Wuxuu ahaa shaqsi door weyn ku lahaa mustaqbalka arday badan oo Soomaali ah, kuwaas oo maanta ka faa’iidaya dadaalkiisii iyo aragti foggiisii ku aaddanaa waxbarashada.

Ilaahay ha u naxariisto, Cabdiraxmaan Cabdulle Codweyn (Shuuke), intii uu ka tagayna samir iyo iimaan ha ka siiyo ehelkii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Geeridiisu waxay na xusuusinaysaa muhiimadda waxbarashada iyo sida ay u tahay furaha horumarka bulsho kasta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM