Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa dib u soo celinaya ku dhawaad 50 safiir iyo madax sare oo diblomaasiyadeed oo ka howlgala dalal kala duwan, taasoo qeyb ka ah dib-u-habeyn weyn oo lagu sameynayo adeegga diblomaasiyadeed ee Mareykanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiin u dhowaaday arrintan.

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed ee Mareykanka lagu waafajiyo siyaasaddiisa “America First.”

Iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda aan wali shaacin liiska rasmiga ah, warar badan ayaa xaqiijinaya in safiirro saameyn ku yeelanayaan ugu yaraan 13 dal oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan Burundi, Cameroon, Cape Verde, Gabon, Ivory Coast, Madagascar, Mauritius, Niger, Nigeria, Rwanda, Senegal, Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale, dib-u-celinta safiirrada ayaa laga soo waramayaa in ay ka dhacday Fiji, Laos, Marshall Islands, Papua New Guinea, Philippines iyo Vietnam ee Aasiya-Baasiifiga; Armenia, Montenegro, North Macedonia iyo Slovakia ee Yurub; Algeria iyo Masar ee Bariga Dhexe; Nepal iyo Sri Lanka ee Koonfurta Aasiya; iyo Guatemala iyo Suriname ee Qaaradda Galbeedka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in talaabadan ay ka tarjumayso dadaalka Trump ee dib loogu qaabeeyo hoggaanka diblomaasiyadda Mareykanka, halka dhaliilayaashu ay ka digayaan in dib-u-celinta safiirrada ay sababi karto in safaaradaha Mareykanka ay noqdaan kuwo aan haysan safiirro la xaqiijiyay xilli xasaasi ah oo arrimaha caalamka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM