Go'aanka Kenya ku xireyso xeryaha qoxootiga oo laga shiray

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay mas'uul sarre oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Mas'uulka uu la shiray waa Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami.

Shirka ayaa waxaa lagu waramay in uu qeyb ka ahaa Ergayga Gaar ah ee Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.

Madaxtooyadda Jubaland oo soo saartey war-saxaafadeed lagu daabacay ciwaanka ay ku leedahay mareegga Facebook ay ku fahfaahisay qodobadda diiradda lagu saarey kulankan.

"Waxaana kulanka lagaga hadlayay sidii loo dardar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto," ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka.

Bayaankan oo uu arkay xafiiska wararka Garowe Online ayaa la raaciyey "Waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay".

"Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Gudoomiyaha gudiga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubaland Eng Cabdi Xuseen Maxamed," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Kenya ayaa martigelisa tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida ee aduunka. Balse, xiriirka xumaadey ee Muqdisho iyo Nairobi wuxuu horseeday in ay qaado talaabooyin liddi ku ah Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM