Go'aankii Biden ee Soomaaliya oo cadaadis u kordhiyey AFRICOM

Image
Human Rights Watch ayaa ka codsatay ciidamada Mareykanka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta dadka rayidka ah.

WASHINGTON, USA – Human Rights Watch ayaa ka codsatay ciidamada Mareykanka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu saxiixay go’aan ah in boqollaal ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Maraykanka loo daabulo dalkaan ay colaaduhu aafeeyeen ee Afrika.

Hay’adda ugu saraysa xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in ciidanka Ameerikaanka ah oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay duqaymo cirka ah ku dileen dad rayid ah xilli ay beegsanayeen dagaalyahannada hubaysan tobanaankii sano ee la soo dhaafay.

Xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka John Kirby ayaa horaantii isbuucan ku dhawaaqay in joogitaanka ciidamada Mareykanka ee ku dhow 500 oo askari ay dib ugu laaban doonaan Soomaaliya 17 bilood ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu kala baxay ku dhawaad 750 askari oo Mareykan ah oo dalka ku sugnaa. waxa loogu yeero La dagaalanka Argagaxisada ee hoos taga Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

 Mareykanka, ayaa tan iyo sannadihii 2000-kii duqeymo ka waday wadanka si uu u beegsado Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida, waxaana ugu dambeysay duqeymo uu ka geystay Soomaaliya bishii February.

“Saraakiisha Mareykanka waa inay si cad u caddeeyaan sida ciidamadoodu ay uga fogaanayaan inay waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro howlgallada milateri,” Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.

"Waxay u baahan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo Midowga Afrika si ay uga fogaadaan inay ku soo noqdaan sharciyadii hore ee ku-xad-gudubyada dagaalka oo ay si dhaqso ah oo habboon uga jawaabaan khasaaraha rayidka."

Maraykanka ayaa fuliyay ugu yaraan 200 oo weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo tiro aan la qiyaasi karin oo duqeymo kale oo dhanka hawada ah laga soo bilaabo 2004-tii, sida uu sheegay xafiiska saxafiyiinta dambi baarista ee fadhigiisu yahay London. Kooxda dabagalka ee fadhigeedu yahay UK ee Airwars ayaa sheegtay in ugu yaraan 68 iyo ilaa 143 rayid ah oo Soomaali ah ay ku dileen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa dagaalka ee Maraykanka tan iyo sanadkii 2007-dii.

“Human Rights Watch waxa ay ka warbixisay laba weerar oo cirka ah oo uu Maraykanku geystay 2-dii February iyo March 10, 2020, kuwaas oo lagu dilay toddobo qof oo rayid ah taas oo u muuqata in ay ku xad-gudbeen shuruucda dagaalka,” ayay HRW tiri. “Iyadoo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay qirteen mas’uuliyadda dhacdadii February 2-dii, ee lagu dilay haweeneyda laguna dhaawacay labo gabdhood oo walaalaheed ah, oo labaduba caruur ah iyo ayeeydeed, midna ma helin wax magdhow ah.

"AFRICOM waxay, sanadihii ugu dambeeyay, soo bandhigtay xoogaa hufnaan ah oo ku saabsan qiimeynta khasaaraha rayidka, gaar ahaan daabacaadda warbixinnada qiimeynta khasaaraha rayidka ee saddexdii biloodba mar laga soo bilaabo Abriil 2020," ayay tiri kooxda oo hadalkeeda raacisay. "Si kastaba ha ahaatee, kuwan ayaa weli aad uga hooseeya waxa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo cadaalad la aamini karo ee dhibbanayaasha, oo ay ku jiraan kiisaskii hore."

Bader ayaa si cad u sheegtay in "dhaqanka ciqaabta la'aanta ee khasaaraha rayidka ah uu dhaliyo caro iyo kalsooni darro ka dhex jirta dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad xuquuq badan leh."

"Dawladda Maraykanku waxay garowsan tahay baahida loo qabo in si dhab ah loo baaro magdhowna la siiyo dadka rayidka ah ee waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka, laakiin millatarigu weli ma aysan xaqiijin arrintan," ayay raacisay.

HRW waxay sheegtay in Soomaaliya ay tahay in lagu daro Qorshaha Wax-ka-qabashada waxyeelada Rayidka iyo ka jawaabista ee uu ku dhawaaqay Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin bishii Jannaayo iyadoo ay jirto cadaadis horusocod ah oo lagu saaray Pentagon-ka si ay u xisaabiso tirada la yaabka leh ee aan dagaalyahannada ahayn ee lagu dilay bambooyinka iyo rasaasta Mareykanka.

In ka badan 20 sano oo uu socday dagaalka ka dhanka ah argagixisada, millatariga Maraykanku waxa ay dileen dad badan oo rayid ah oo ajnabi ah marka loo eego xoogagga kale ee hubaysan ee ku sugan wadanka.

Marka loo eego Kharashka Mashruuca Dagaalka ee Jaamacadda Brown ee Machadka Watson ee Arrimaha Caalamiga ah iyo Dadweynaha, ku dhawaad 400,000 oo rag, dumar, iyo carruur rayid ah ayaa lagu dilay dagaalladii uu Maraykanku hoggaaminayay 9/11 ka dib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM

Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 05:26AM