Golaha Ammaanka oo baaq kale u diray madaxda Soomaalida

Image

NEW YORK, USA - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku baaqay in dib loo soo nooleeyo wadahadalladii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamul goboleeyadda dalka.

Baaqan ayaa wuxuu ka dambeeyay kaddib markii shir ay warbixin uga dhageysteen wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya diblumaasi James Swan.

Wallow uusan jirin bayaan guud oo goluhu soo saarey  maadaama shirkan ahaa mid albaabadu u xaranyihiin, dalalka qaar ayaa faafiyey qodobadii shirka looga hadlay iyo arrimihii ay ka yiraahdeen xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

Rrgada Norway ee Golaha Ammaanka ayaa Twitter-ka ku daabacay: "Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September".

Waddanka Irealand oo isna ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa diray farriin taa la mid ah, waxaana qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada dalkaas loogu baaqay madaxda Soomaalida inay dib u soo nooleeyaan wadahadalkiii doorashada, lana qabto doorasho loo dhanyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Safiirka India ee Qaramada Midoobay T. S. Tirumurti ayaa soo jeediyey; In Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleeydu ku laabtaan madasha wadahadalka, in la hirgaliyo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo, in caqabadaha siyaasaddu ay dhiirragalinayaan Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah iyo inay soo dhaweynayaan dadaallada midowga Africa.

Waa markii labaad oo shir albaabadu u xiran yahay uu golaha ammaanka ka yeesho xaalka Soomaaliya sanadkan gudahiisa. Balse, kulankan wuxuu imaanayaa xilli khilaafka siyaasadeed uu meel halis ah gaarey.

Iyaddo isu-tanaasul la'aan ay wali jirto, xiisadda waxaa cirka kusii tolay muddo kororsigii golaha shacabku sameeyay 12-kii bishan April, kaas oo ay ugu yeereen jiheynta doorashooyinka dalka.

Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah waxay u shegtay in aysan taageeri doonin muddo kororis, doorasho aan la isla oggoleyn iyo fal kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu idlaadey Farmaajo oo asbuucaan booqdey DRC ayaa hogaamiyaha dalkaas Flex Tshikedi oo ah guddoomiyaha AU ka codsaday in uu soo farageliyo xalka is-mari-waaga doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM