Golaha Amniga Jubbaland oo go'aano soo saarey kadib weerarkii Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa maanta oo Axad ah shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xaalada guud ee amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ugu horayn kulanka lagaga hadlay iyadoo la sheegay in xaalada amnigu haatan ay wanaagsan tahay.

Golahu ayaa u mahadceliyay dadkii usoo tacsiyeeyay Jubbaland, islamarkaana xanuunka la qaybsaday kadib markii qarax iyo weerar lagu qaadey Hotel-ka Medina [Ex-Cascaseey] lagu dilay 26 qof, 56 kalena lagu dhaawacay Jimcihii.

Madaxweynaha ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkan, kuwaas oo ka shaqayn doona sidii loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaadhay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha huteelka.

Qorshaha amniga doorashada ayaa isku raaceen in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka iyadoo dhamaan ciidamada la galiyay heegan buuxa.

Waxaa kale oo laga hadlay in la kala saaro Siyaasada iyo nabadgalyada ayna marna Jubbaland "gorgortan ka galaynin" arimaha siyaasaduna ay leeyahiin wado loo maro balse amaanka cidii wax u dhinta gacan bir ah "lagu qaban doono".

Golaha amniga Jubbaland ayaa soo jeediyay in wacyi galin la siiyo Bulshada la xidhiidha sidii ay xoogaga dowlada ugu gacan siin lahayeen sugida amaanka kadib weerarkii Jimcaha.

Inta la xaqiijiyey 26 ruux ayaa ku geeriyootay markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadey huteelka Cascasey, kaasi oo ay degaan mas'uuliyiinta Jubbaland, Qurba Joogta iyo dadka caanka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM