Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso
MUQDISHO, Soomaaliya (GO) — Siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa Sabtidii ku kulmay magaalada Muqdisho, kulan ay yeesheen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo iftiimiyey xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya xilli ay soo dhowaanayaan waqtiyada doorashooyinka dalka.
Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Airport oo ku dhex yaalla xerada ammaanka aad loo ilaaliyo ee Xalane, halkaas oo ay deggen yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland inta ay ku sugan yihiin caasimadda.
Kulamadan ayaa imanaya maalmo kaddib markii dowladda federaalka — oo muddo xileedkeedu gabagabo ku dhow yahay — ay ka hor istaagtay qaar ka mid ah madaxda mucaaradka inay gudaha u galaan xerada Xalane iyaga oo wata ilaaladooda. Madaxdaasi waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyo sidoo kale siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Xannibaaddaasi waxay dhalisay caro ka timid mucaaradka, waxaana arrintaasi ku qasbeysay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre inuu booqdo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashaasi guryahooda, oo ay ku jiraan Sheekh Shariif iyo Rooble, si loo dejiyo xiisadda.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka shir qaran oo ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib talooyin kasoo baxay shirkii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ka dhacay Kismaayo bishii Diseembar 2025. Shirkii Kismaayo ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay qabato shir loo dhan yahay oo Muqdisho ka dhaca, si looga wadahadlo khilaafaadka doorashooyinka loogana hortago firaaq siyaasadeed oo iman kara, maadaama muddo xileedyada hay’adaha federaalku ku egyihiin bilaha Abriil iyo May 2026.
Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka waxay diiradda saareen baahida loo qabo in la abuuro jawi ku habboon wada-hadal, iyaga oo xusay in weli aanu si dhab ah u bilaaban isfaham siyaasadeed. Ma jirin wax hadal ah oo muujinaya in ay diideen ka qaybgalka kulamo ka dhaca Villa Soomaaliya, balse waxaa la isku raacay in marka hore la dhiso kalsooni iyo jawi sahla wadahadal miro dhal ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaan weli muujin diyaar u ahaanshaha ka qaybgalka wadatashiyadan, isaga oo maalin ka hor u ambabaxay dalka Itoobiya si uu uga qayb galo shir madaxeedka Midowga Afrika — arrin falanqeeyayaal badan u arkaan mid muujinaysa isbarbar yaac siyaasadeed xilli xasaasi ah.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sidoo kale aaminsan in dowladda federaalku aanay filayn imaanshaha wadajirka ah ee hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland ee Muqdisho.
Dhanka kale, beesha caalamka oo laf-dhabar u ah taageerada dib-u-dhiska iyo xasillinta Soomaaliya, weli wax hadal ah kama aysan soo saarin xaaladda siyaasadeed ee soo korortay.
GAROWE ONLINE