Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Image

MUQDISHO — Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo 141 xildhibaan ay oggolaadeen, laba xildhibaan ay diideen, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Ansixinta Hindise Sharciyeedkan ayaa ka mid ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo maamulida kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo kor u qaadida hufnaanta ka faa’iidaysiga macdanta.

Golaha ayaa sidoo kale ku boorriyay dowladda in ay si degdeg ah u dhaqangeliso sharcigan si looga faa’iidaysto kheyraadka dalka laguna taageero horumarinta dhaqaalaha.

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka isku khilaafsan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM