Golaha Shacabka oo ansixiyey sharci muhiim u ah ciribtirka musuqa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa.

149 xildhibaan oo kamid ah mudaneyaashii kulanka kasoo muuqatay ayaa ogolaaday, waxaa ka aamusay 1 sharcidejiye, waxaana diiday mid kale, sidda uu ku dhawaaqey gudoonka Aqaka.

Afhayeenka Aqalka Hoose Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa meel-marinta golaha ka dib hadlay ayaa wuxuu sheegay in xeerkan uu ka qeyb-qaadanayo sidii loo ciribtiri lahaa musuq-maasuqa.

Mr Mursal ayaa u mahad-celiyey Xildhibaanada meel-mariyey xeerkan oo soo maray saddex akhrin isla markaana ay dood adag ka yeesheen xeer-dejiyeyaasha.

Sharcigan ayaa loo gudbinayaa Aqalka Sarre oo kolkii hore dib soo celiyey si uu dhankiisa uga guto waajibaadka kaga aadan, wax ka bedel ama ku daris-na ugu sameeyo kahor inta uusan cod u qaadin.

Marka uu nidaamkaasi kasoo gudbo waxaa la wareegi doona xafiiska madaxweynaha, iyadda oo uu ugu dambeyntii uu qalinka ku jiidi doono hogaamiyaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay safka hore kaga jirto wadamada ay ka jiraan wax is-dabarimarinta badan, iyadda oo la tilmaamo in mas'uuliyiinta ay dhaqaalo ku bixiyaan sidii ay jagadooda u daafacan lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM