Golaha Shacabka oo ka doodey Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka

Image
Kulankan ayaa Waxaa guddoomiyey Aadan Madoobe kaasoo Xildhibaanada su'aallo badan ka keeneen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda 20-aad ee kalfadhiga shanaad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa sheegay in kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha ay u baaqdeen arrimo jiray oo guddoonka uu ku howlanaa xalintiisa kuwaas oo hada lagu guuleystay.
 
“Waxaan idinka raali gelineynaa labadii kulan ee baaqday sababtuna waa inaan ku howlaneyn arrimo ka dhex jiray Xildhibaanada inaan xalino waan xalinnay waana ku guuleysanay, Xildhibaanada sharafta leh runtii waan idin kaga mahadcelinayaa dadaalkiina, dalkan dowlad dhiskiisa iyo horumarkiisa qeyb libaax leh oo muhiim ah ayaad kaga jirtiin waana ku mahadsantihiin”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
 
Ajendaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Xaaji Daahir waxaa uu Xildhibaanadda la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed.
 
Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo dood ka yeeshay ajendaha ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobada hindise sharciyeedkan.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda la xiriirta hindise sharciyeedkan maanta lasoo gaba gabeeyay laguna wareejiyay guddiga ku shaqada si uu ugu soo daro dooda iyo soo jeedimaha xildhibaanadda islamarkaana Akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM