Golaha Shacabka oo ka doodey labada hindise sharciyeed muhiim ah

Image
Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Wax ka Bedelka Sharciga ka Hortaga Lacagdhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada ayay kala yihiin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Wax ka Bedelka Sharciga ka Hortaga Lacagdhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige, waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka faah faahin ka siiyay muhiimada labada hindise sharciyeed ay u leeyihiin Qaranka Soomaaliyeed iyo xoojinta dowladnimada.

“Sharcigan waxa uu muhiim u yahay xoojinta hanaankeena maaliyadda si uu ugu xirmo hanaanka maaliyadda caalamka, in Golaha Shacabka dib loogu soo celiyo waxaa sababay caqabado ka yimaaday dhaqangalkiisa oo u baahday in wax ka bedel lagu sameeyo, wuxuu muhiim u yahay horumarinta dhaqaale ee dalkeena sidaas darteed waxaan golaha sharafta leh ka codsanaya in ay noo ansixiyaan marka ay ka gutaan waajibaadkooda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay labadan hindise sharciyeed ee maanta la horkeenay, iyagoo talooyinkooda ku biiriyay, sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in hindise sharciyeedyadan ay muhiim yihiin maadaama ay kor u qaadayaan hanaanka maaliyadda ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labadan hindise sharciyeed lagu wareejiyay guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka si ay usoo diyaariyaan akhrinta labaad, dibna Golaha Shacabka ugu soo celiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM