Golaha Wasiirada cusub ee Jubaland oo la dhaariyey

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Kismaayo kaga qeybgalay Munaasabada dhaarinta Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu Madaxweynahu magacaabay.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin kale oo weyn oo talaabo loo qaaday dib u habaynta Hay’adaha Dowlada iyo Dowlad wanaaga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumadahii hore iyo qaab dhismeedka Dowliga ah lagu jaangooyay hanaan dib u heshiisineed kaas oo la doonayo in hada wixii ka danbeeya looga guuro hanaanka dib u qaabaynta Hay’ado xoog badan oo shacabka u adeega.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in burburka dalka ka jira saamayntiisa ay ka jirto meelo badan oo Jubaland ay kamid tahay isla markana qabyaaladu ay wax walba ka horayso lagagana kalsooni badan yahay danta guud.

Gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu sheegay in Xukuumada Cusub uu horyaalo waajibaad culus oo looga baahan yahay Wasaarada walba inay shaqada u taala oo kaliyah ay xooga saarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM