Golaha Wasiirada cusub ee Jubaland oo la dhaariyey

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Kismaayo kaga qeybgalay Munaasabada dhaarinta Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu Madaxweynahu magacaabay.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin kale oo weyn oo talaabo loo qaaday dib u habaynta Hay’adaha Dowlada iyo Dowlad wanaaga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumadahii hore iyo qaab dhismeedka Dowliga ah lagu jaangooyay hanaan dib u heshiisineed kaas oo la doonayo in hada wixii ka danbeeya looga guuro hanaanka dib u qaabaynta Hay’ado xoog badan oo shacabka u adeega.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in burburka dalka ka jira saamayntiisa ay ka jirto meelo badan oo Jubaland ay kamid tahay isla markana qabyaaladu ay wax walba ka horayso lagagana kalsooni badan yahay danta guud.

Gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu sheegay in Xukuumada Cusub uu horyaalo waajibaad culus oo looga baahan yahay Wasaarada walba inay shaqada u taala oo kaliyah ay xooga saarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM