Golaha Wasiirada Jubaland oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2025

Image
Waxaa kale oo golahu uu ansixiyay xeerka ka hortaga gudniinka fircooniga ah.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo ka qabsoomay magaalada Kismaayo.

Kulankan ayaa lagu ansixiyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $63,387,111.39 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta dhaqaalaha.

Waxaa kale oo golahu uu ansixiyay xeerka ka hortaga gudniinka fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin arrimaha amniga, Xaalada guud ee siyaasada dalka, Isbadalka Cimiladda, dardar galinta mashruuca GPE ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Ciyaaraha Degmooyinka Jubaland oo dhawaan la qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM