Golaha Wasiirada Jubaland oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2025

Image
Waxaa kale oo golahu uu ansixiyay xeerka ka hortaga gudniinka fircooniga ah.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo ka qabsoomay magaalada Kismaayo.

Kulankan ayaa lagu ansixiyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $63,387,111.39 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta dhaqaalaha.

Waxaa kale oo golahu uu ansixiyay xeerka ka hortaga gudniinka fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin arrimaha amniga, Xaalada guud ee siyaasada dalka, Isbadalka Cimiladda, dardar galinta mashruuca GPE ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Ciyaaraha Degmooyinka Jubaland oo dhawaan la qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM