Golaha Wasiirada maamulka Jubaland oo la magacaabay

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dhowaad laba sano kadib markii dib loo doortey wuxuu saqdii dhexe ee xalay uu magaacabay xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada Jubaland.

Maxamed Warsame Darwiish ayaa kusoo laabtey xilkiisa wasiirka arrimaha gudaha, halka Cabdinaasir Seeraar, oo kamid ahaa mucaaradka Axmed Madoobe loo magacaabay wasiirka waxbarashada maamulka.

Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan ayaa loo dhiibay jagadda wasiirka amniga Jubaland, isaga oo bedelaya Cabdirashiid Xasan Nuur [Janan] kaasoo dhowaan uu xilka laga qaadey markii uu isku dhiibay dowladda.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubaland ayaa loo magacaabay Dr Mursal Maxamed Khaliif oo xilkiisa wasiirka caafimaadka loo dhiibay Maxamed Ibraahim Oogle, sida ku xusan wareegtadda.

Xildhibaan Xuseen Xersi Axmed ayaa, sidda ku xusan digreetadda uu arkay GO, waxaa loo dhiibay wasiirka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Jubaland, isaga oo shaqadda ka bedelaya Cabdirashiid Jire Qalinle.

Wasiirka cadaaladda, Awqaafta iyo arrimaha diinta maamulkan xaruntiisa KMG tahay Kismaayo ayaa loo magacaabay Maxamed Yuusuf Cumar, halka Axmed Baraki Zubeer loo magacaabay wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Digreetadan ku taariikheysan 19-ka bishaan May kuna saxiixan yahay madaxwayne Axmed Maxamed Islam [Axmed Madoobe] ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay 23 wasiir ku xigeeno iyo shan wasiiru dowlayaal.

Hoos ka akhriso wareegtada magacaabida

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku saabsan amniga Badda Cas ugu sii jeeda Sacuudiga

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 07:34AM