​Golaha xukuumadda Somalia oo gaaray magaalada Kismayo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre yo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey, Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku-xigeenadiisa iyo saraakiil sare sare.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uga soo horeeyey magaalada Kismaayo wafdi kale oo hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo xubno katirsan golaha fulinta Somalia, kuwaas oo dhammaantood ka qeyb geli doona Shirka golaha wasiirrada oo maalinta bari ah ka dhici doona Kismaayo, kaas oo markii ugu horeysay lagu qabanayo meel ka baxsan Caasimadda Muqdishu.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed madoobe ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ay ku soo dhoweynayaan Kismaayo isla markaana shacabka Jubbooyinku ay si buuxda u taageersan yihiin dadaalada ay dawladdu wado ee ku aadan hoos u daadajinta Hay’adaha dawladda, wuxuuna tilmaamay in shirka ka dhacaya kismaayo uu Xukuumadda u fududeynayo gudashada waajibaadkeeda iyadoo la dhegaysanayo shacabka.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta ballaaran ee shacabka iyo hoggaanka Jubbaland u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna tilmaamay in inta uu ku sugan yahay magaalada uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Booqashadani waxay muujinayaa midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay shacabkeedu inuu la xisaabtamo, waxaan Kismaayo ku qabanaynaa shirka Golaha Xukuumadda taas oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in hoos loo eego deeganada iyo dawlad gobolleedyada,”Ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu mudnaan gaar ah siinayso in xukunku uu gaaro meelaha ka durugsan caasimaha, isla mar ahaantaana xiligan la joogo waqtigii wadajir loo wajihi lahaa ka shaqeynta danta guud, dawladduna ay tahay shaqaale ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ee ka kooban dhammaan golaha Wasiirada ayaa inta ay joogaan kismaayo waxay kulamo la yeelan doonaan Wasaaradaha ay shaqo wadaagta yihiin iyo hoggaanka Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM