Gollaha Shacabka oo fariin u diray Xukuumadda iyo dowlad-goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal beeleedka kasoo cusboonaatey degaanka Dhumay ee duleedka Laascaanood ayaa waxay ahareysay fadhigii maanta ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gollaha, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gaba-gabadii kulanka ka akhriyay baaq nabadeed oo ku aadan Colaadda Dhumay, isagoo fariin sidoo kale u diray Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada.

"Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu aad uga xun yahay colaadda soo noq-noqtey ee Koonfurta gobolk Sool, Golluhu wuxuu ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah inay deg deg u joojiyaan colaadda," ayuu yiri Mursal.

Waxa uu gudoomiyaha ugu baaqay Ismida, culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii loo demin lahaa dagaalka Beelaha walaalaha ah ku dhexmraya Dhumay, kaasi oo ay ku dhinteen 50 qof.

Ugu dambeyntii, Gollaha Shacabka ayaa usoo jeediyay Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka inay kaalin mug leh ka qaataan joojinta colaadda Koonfurt gobolk Sool.

Baaqan ayaa ku biiraya baaqyo kale oo ay jeediyaan Xukuumadda Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, iyadoo aan la ogeyn in hadallada lagu qorey war-saxaafadeedyada ay demin karaan colaadda sokeeye.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM