​Gollaha Wasiirada oo laga mamnuucay Baraha Bulshada kadib weerarkii Bariire

Image

MUQDISHU, Somalia - Gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa gebi ahaanba laga mamnuucay Isticmaalka Baraha Bulshada, kadib markii warar is-khilaafsan ka qoreen weerarkii Bariire.

Wareegto kasoo baxday Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu wargeliyay dhamaan Wasiiradda in warar ku saabsan siyaasadda u adeegsan karin barraha bulshada iyo warbaahinta, iyagoo aan ogolaansho ka haysan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada oo ay warqadani ku socoto waxaa lagu wargelinaya in isticmaalka barraha bulshada, idaacadaha, telefishinada iyo dhammaan wixii la xiriira warbaahinta, ay u baahan tahay in marka hore ogolaansho Wasiirada ka haystan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, lana isla ogyahay mowduuca aad warbaahinta kala hadleysan, markasta oo ay khuseyso arrimaha Xukuumadda," ayuu yiri Mahdi Maxamed.

Waxaa lagu amray Wasiirada inay mamnuuc tahay in Baraha Bulshada uga handlaan arrimo Siyaasadeed, oo xasaasi ah, si looga fogaado inay kala hadasho Xukuumadda Federaalka Somalia.

Ugu dambeyntii, Gollaha Wasiirada ayaa la faray inay u hogaansamaan awaamiirta cusub, ee lagu soo rogay ee ku aadan Siyaasadda Warbaahinta Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xukuumadda ay dhaleecayn xooggan kala kulantay Bulshada, kadib markii Wasiirada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta ku qoreen Baraha Bulshada in weerarkii Bariire lagu dilay rag katirsan Al shabaab, iyadoo Madaxweynaha dalkana uu qiray in shacab lagu dilay, kana tacsiyadeeyay.

Kala hadalka iyo kala warqab la'aanta Madaxda sare ee dowladda Federaalka Somalia, ayaa Jahwareerisay shacabka iyo Beesha Caalamka, oo meel ay u raacaan garan waayay hadallada iska soo horjeeda ee kasoo baxa dowladda.

Isticmaalka Baraha Bulshada oo aan ka fiirsasho laheyn, waxay keentay inay hoos u dhacdo Kalsoonidii shacabka ay u hayeen dowladda Federaalka, oo aan laheyn Siyaasad midaysan oo dhanka Warbaahinta ah.

Hoos ka kahriso Digreetada:

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM