Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Image

MUQDISHO — Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan deg-deg ah oo ay Isniintii maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay xilkii kaga qaadeen Agaasimihii Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Agaasimaha cusub ee hey’addaas, kaas oo loo magacaabay Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf, oo loogu yeero (Idow).

Mustaf ayaa xafiiska joogay 15 bilood iyo 7 maalin kaliya, waxaana la sheegay in mucaaradka u janjeero, oo markii horeba laga soo saaray.

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka, oo muddooyinkii u dambeeyay dhaliyay muran xooggan iyo kala aragti duwanaansho dhanka siyaasadda ah.

Tallaabadan xil ka qaadista iyo magacaabista isugu jirta ayaa qayb ka ah isbeddellada ay xukuumaddu ku samaynayso hay’adaha muhiimka ah ee dowladda, xilli dalku uu marayo marxalad xasaasi ah oo dhanka dastuurka iyo amniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM