Warar kusoo kordhay shirka khilaafka doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Rajada laga qabo in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqdaan shirka looga arrin-sanayo masiirka doorashooyinka Soomaaliya ayaa sii kordheysa, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo diblumaasiyadeed.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa iyo safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, waxay ogolaadeen qodobkaas oo kalkii hore ay si weyn uga soo horjeedeen.

"Aqbalaada ma ahan mid ay si toos ah carabka ugu dhufteen. Balse, waxay rajo wanaagsan u muujiyeen in ay goobjoog ka noqdaan wadahadaladda si ay damaanad-qaadayaal uga noqdaan dhaqan-gelinta heshiis kasta oo laga gaaro khilaafka jira," ayay ku dareen illo wareedyadda ku dhow dhinacyadda shirka khuseeyo oo u waramay bogga GO.

Maamulka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si weyn uga soo horjeeda in dhexdhexaadiyeyaal caalami ah u kala dabqaadaan hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa horey ugu fashilmay fulinta heshiis laga gaarey doorashada.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Farmajo — oo xafiiska wali jooga iyaddoo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ku dhowaad laba bilood kahor — in uu isku xirayo ololihiisa dib—u—doorashadda iyo in geed-socodka coddeynta uu noqdo mid si furan looga heshiiyey.

Marka laga reebo in ay si gooni-gooni ah isku arkeen qeybtood, madaxda Soomaalida ayaa intooda badan waxay ku sugan yihiin caasimada Muqdisho, waxaana Beesha Caalamka ay waddaan dedaalo ay madal isugu keeneyso dhincyada si loosoo afjaro kala taag-taaga.

Hadii wadaxaajoodyadda waqti xaadirkan la qabanqabinayo ay miradhali-waayaan, waxaa sii xoogeysaneysa hubanti la’aanta dhanka kala-guur nabadeed, xukun isku wareejin xasilooni iyo doorashooyin daahfuran — dhamaan waxay dilayaa dimuqraadiyadda curdunka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM