Guddi kormeeray dekeada Muqdisho xilli cabashooyin ka jiraan

Image
Guddiga ayaa kormeer ku soo maray xafiiska Hay,ada tayo dhowrka s Soomaaliyeed waxa uuna wax ka weeydiiyay su’aallo la xiriira Cabashooyinka Ganacsatada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iskaashiga caalamiga iyo la xisaabtanka hay’addaha dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekada Muqdisho, waxa uuna kormeerka guddiga ku saabsanaa mooshiinkii ama soo jeedintii Xildhibaanada Golaha Shacabka uga doodayeen Canshuurta Iibka iyo Cabashadii ganacsatada.

Ugu horeyn Guddiga Wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo su’aalo laga waydiiyey cashuuraha iyo Lacagaha ay cabashada ka jirto.

Sidoo kale Guddigo ayaa kormeer ku soo maray xafiiska Hay,ada tayo dhowrka s
Soomaaliyeed waxa uuna wax ka weeydiiyay su.aallo la xiriira Cabashooyinka Ganacsatada.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux iyo Xubnaha Guddiga ayaa wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee la shaqeysa ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM