Rooble oo soo farageliyey qadiyadda askarta ee Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara kiiska askarta Soomaalida ah ee tababarka loogu diray waddanka Eritrea.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu xusay in guddiga baarayo "cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea".

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad.

Magacaabidan ayaa kusoo aadeysa xilli muddooyinkii u dambeeyay ay xoogeysteen baaqyadda ku wajahan wasiirka koowaad ee ku aadan in uu soo farageliyo kiiskan sida weyn loo dhowrayo.

Kadib markii Qaramada Midoobay ay xaqiijisay in askarta Soomaalida ay ka dirireen Eritrea, dowlada Soomaaliya waxay mar kale ganafka ku dhufatay sheegashadaas kuna sifeysay been abuur.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta, Cismaan Abuubakar Dubbe oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa xusay in musharaxiinta ay olole ku galayaan kiiskan.

Marka laga soo tago is-eedeynta siyaasiyiinta, shaki kuma jiro in askar Soomaali ah tababar si qarsoodi ah loogu diray Eritrea, hase ahaatee, waxaa xaqiijin u baahan in ay ka dagaalameen Tigray.

Hoos ka akhriso magacyadda guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM