Guddiga doorashada KG oo la dhameystiray [Magacyada]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Wakiilada Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa wuxuu soo dhameystiray xubnihii ka harsanaa Guddiga doorashadda ee dowlad goboleedkan xubninta ka ah Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha ka harsanaa Guddiga oo gaaraya 15-ka xubnood oo lasoo magacaabay ayaa la hor-geeyay Fadhiga ay maanta oo Sabti ah ay ku yeesheen Baydhabo mudanayaasha Koonfur Galbeed oo cod u qaaday.

Sharci-dejiyaasha ayaa ugu dambeyntii si aqlabiyad leh ku meel-mariyay 15-ka xubnood, kuwaasi oo buuxin doona kuwa hore shaqadda uga tegay faragelin ay ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Koonfur Galbeed oo xiiso gaar ah leh sanadkaan ayaa loo balansan yahay inay qabsoonto 28-ka bishaan November 2018 xili ay ku loolamayaan in ka badan afar murashax oo ay qaarkood wadato Villa Somalia.

Madaxda dowlada dhexe ayaa ka saxiixday Shariif Xasan Aadan oo is-casilay kadib is-fahan siyaasadeed uu dhex-maray isaga iyo Madaxtooyadda inay wasaarada arrimaha gudaha Federaalka inay maamusho coddeynta.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed waxaa laga dareemayaa diyaargarowgii ugu dambeeyay oo ay sameynayaan Murashaxiinta xili Hoteeladda ay ka socdeen kulamo lagu xuuraansanayo codbixiyaasha oo Xilldhibaanada ah.

HOOS KA AKHRI LIISKA MAGACYADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM