Guddiga Doorashada madaxweynaha 10aad oo lagu dhawaaqay

Image
Guddigan ayaa lagu waddaa in ay soo saaraan shuruudaha laga rabo musharaxiinta iyo jadwalka coddeynta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenadda Labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo saaray guddiga isku dhafka ah ee diyaarinaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa wadar ahaan wuxuu ka kooban yahay 17 xubnood, oo 11 ka mid ah ay ka imanayaan Golaha Shacabka, halka lixda kale ay ka imanayaan Aqalka Sare.

Liiska xubnaha matalaya Golaha Shacabka

1 - Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.

2 - Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.

3 - Xildhibaan Nuur Mustafmukhtaar.

4 - Xildhibaan Beerey.

5 - Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu.

6 - Xildhibaan Maxamed Caananuug.

7 - Xildhibaan Cumar Yuusuf.

8 - Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Liiska xubnaha xubnaha matalaya Aqalka Sare

1- Cali Maxamuud Gacal (Koonfur Galbeed)

2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)

3- Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)

4- Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug)

5- Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland)

6- Samsam Cabdullaahi Axmed (HirShabeelle)

Guddiga Labada Gole Baarlamaanka Federaalka ee Doorashada Madaxweynaha ayaa dejinaya jadwalka Doorashada si musharixiinta iyo Baarlamaankaba ay isugu diyaariyaan Doorashadaas.

Maalmo ka hor ayaa la soo gebagebowday codbixintii hoggaanka aqalka sare oo mucaaridku gacanta ku dhigeen. Aadan Sheekh Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ku kala guuleystay Guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM