Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah magacaabey gudiga doorashada Madaxweynaha maamulkaasi, taasoo la filayo inay dhacdo bisha soo socota ee November 2018.

Gudigan oo ka koban 27 xubnood ayaa waxaa la horgeeyay Gollaha sharciga dejinta Maamulka Koonfur Galbeed, oo kulankoodii maanta ee ka dhacay Baydhabo cod gacan taag ah ku ansixiyay. Waxaa ogolaatay 93 Xildhibaan, waxaana diiday 13 mudane.

Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Koonfur Galbeed, Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ayaa ku dhawaaqay in la meel-mariyay gudiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha maamulkan.

Doorashada waxaa isku soo sharaxay musharaxiin dhowr ah, oo ay kamid yihiin Mukhtaar Roobow, hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab, Taliyihii NISA, Xuseen Maxamed Xuseen, Madaxweynaha haya talada, Shariif Xasan iyo wasiirkii maaliyadda dowladdii Xasan Sheekh, Maxamed Ibraahim Farkeeti iyo kuwa kale.

Musharaxiinta qaar ayaa la sheegay inay taageero ka helayaan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo khilaaf siyaasadeed hadda kala dhaxeeya Madaxweyne Shariif Xasan.

HOOS KA AKHRI LIISKA GUDIGA DOORASHADA:

GAROW ONLINE

 

 

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM