Guddoomiye isku day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha degmadda Yaqshid, Axmed Cabdullaahi Cariid, ayaa ka badbaadey qarax miino oo lagula eegtey aagga Daaru Salaam ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka amniga ah.

Cariif oo aan wali ka hadlin isku-dayga khaarijin ee uu ka badbaadey ayaa la sheegay in uu la socdey kolanyo galbineysay gaadiid ay ku wehliyeen saraakiil iyo askar ka tirsan booliska Soomaaliya.

Goobjoogeyaal u waramay warsidaha Garowe Online ayaa daaha ka rogay in uu jiro khasaaro naf iyo maal oo soo gaarey gaari ay la socdeen mas'uuliyiinta.

"Qaraxa dhawaqiisa wuxuu ahaa mid aad u xooggan. Miinada waxay ahayd nooca boodada ah. Waxyeeladda uu sababay si rasmi ah looma caddeyn karo," ayuu yiri goobjooge Maxamed Nuur oo kamid ah dadka degaanka.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaaacidda ayaa aalaaba looga bartey weerarada noocaan ah ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Aroornimadii saaka ayay ahayd markii qarax miino oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim lala eegtay taliye ku xigeenka ciidanka Soomaaliya, Jeneraal Cabbaas Amiin.

Weeraradan is-daba-joogga ah ayaa kusoo aadaya xilli hardanka siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho kuna qotoma khilaafka doorashooyinka uu cirka isku-sii-shareerah isla markaana aysan muuqan isu soo dhowaanshiyo aad u buuran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM