Guddoomiyihi hore ee degmada Jalalaqsi oo qarax lagu dilay

Image
Image
Image
Image
Falkan ayaa kusoo beegmaya xilli isla maanta uu magaalada Buuloburde ka dhacay qarax gaari.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Weerar qarax ay warar horudhac ah ku sheegayaan in uu ahaa is-miidaamin ayaa Arbacada maanta ah waxaa laga soo wariyey magaaladda Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ee maamul goboleedka HirShabelle.

Dad uu kamid yahay guddoomiyihii hore ee degmadaas, Maxamed Nuur Cagajoof Dabaashe, ayaa lagu waramay in ay ku naf-waayeen wallow aan wali la tirokoobin waxyeelada rasmiga ah.

Sawirrada ayaa muujinaya waxyeelo ba'an uu geystay weerarkan gaar ahaan burbur xooggan oo soo gaarey dhismeyaal ka akdhowaa meesha uu qaraxu ka dhacay oo u muuqata xero ciidan.

Falkan ayaa kusoo beegmaya xilli isla maanta uu magaalada Buuloburde ka dhacay qarax gaari oo lagu burburiyey buundadii degmada ee isku-xirijirey gobolada dhexe iyo caasimada Muqdisho.

Wariyeyaal ku sugan magaalada ayaa khadka telefoonka u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhashay baabuur nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey waxyeebo qarxa.

Khuburada dhanka ammaanka ayaa sheegaya in talaabadan ay u badan tahay in ay ka dambeysay Al-Shabaab si ay u hakiso dhaqdhaqaaqa ciidan ee ay iska kaashanayaan dadka iyo ciidamadda.

Howgaladan oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaamtey "kacdoon shacab" ayaa lagu xoreeyay degaano kala duwan, sidda laga soo xigtey warbixino ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Al-Shabaab ayaa waxay u muuqataa in ay laba-jibaartey howlgaladda ay isaga dajineyso cadaadiska soo fuulay markii ay dhowr furimo dadka iyo ciidamadda ku wajaheen gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM