Gudiga lagu muransan yahay oo shaaciyay dadka isku diiwaangeliyay doorashadda Muqdisho

Image

Muqdisho – Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ilaa 923,220 qof ay iska diiwaangelinayaan codbixiye ahaan gobolka Banaadir, taasoo imaanaysa xili khilaaf ka jiro hanaanka doorashooyinka dalka.

Guddigu wuxuu sheegay in 56 xarumood oo diiwaangelin ah laga hirgeliyay 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, si dadweynuhu fursad buuxda ugu helaan ka qaybgalka doorashada.

“Geeddi-socodka diiwaangelinta Banaadir wuxuu ku dhacay si habsami leh, waxaana ka muuqata xiisaha shacabka ee ay u qabaan in ay door ka qaataan mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed, oo sidoo kale xaqiijiyay in doorashooyinku dhici doonaan bisha soo socota.

Cabdikariin ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga iyo dowladda in ay fursad siiyaan ururrada siyaasadda si ay si xor ah uguna siman ugu ololeeyaan, iyagoo u diyaar garoobaya doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah mucaaradka iyo laba ka mid ah dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka – Puntland iyo Jubbaland – ayaa ku dhawaaqay in ay qaadaceen doorashada. Waxay ku eedeeyeen dowladda dhexe in ay si kali ah u maamuleyso hannaanka doorashada, isla markaana ay hareer marayso mabda’a wadatashiga iyo heshiiska guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM