Gudiga Xaqiiqa-raadinta DFS oo gaarey Deegaanka Bariire

Image

BARIIRE, Somalia - Gudiga xaqiiqa-raadinta dowladda Federaalka ay u xilsaartey baaritaanada weerarkii Bariire ayaa maanta gaarey deegaankaasi, xi ay usoo ogaadaan xaqiiqda dhabta ah ee dadkii la dilay waxay ahaayeen, iyo qaabka uu ku dhacay weerarka. 

Wasiirka Amniga Xukuumadda, Maxamed Abuukar Islow [Ducaalle], ayaa hogaaminaya Gudigan gaarey Bariire, waxaana ay kulamo la leeyihiin Dadka deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaacisay in mudo 5 maalmood gudahooda ay ku soo afjarayso Baaritaanka dhacdadii Bariire, islamarkaana ay qaadan doonto go'aan ku aadan sidii loo qancin lahaa Beelaha laga dilay dadkaasi gaaraya 10-ka qof, ee la sheegay inay beeralay ahaayeen.

Waxaa suurtagal ah in Maxkamad lasoo taago cidii bixisay amarka lagu fuliyayy weerarka, oo ay ka qeyb-qaateen Ciidamo Mareykanka ah, kuwaasi oo kaalintooda ay ahayd caawin oo kaliya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM [US Africa Command].

Jahwareera xooggan ayaa weerarkii Bariire ku dhex-abuurey Madaxda sare ee dowladda, kadib markii ay Wasiiro iyo Taliyaal Ciidan ay si kala duwan uga hadleen dhacdadaasi, oo qaarkood dadka la dilay ku sheegay inay ahaayeen Al shabaab, halka qaarka kalena ay shacab ku tilmaameen.

Meydadka dadkii lagu dilay, oo 6 kamid ah ay kasoo jeedaan Beesha Habargidir, ayaan wali la aasin, oo yaalla magaalada Muqdishu, waxaana Ehelada ay dalabanayaan in dowladda ay magdhaw lacageed ka siiso dilkooda.

Dhacadaasi iyo sida qaldan, ee uga jawaab celisay dowladda ayaa looga joojiyay Wasiirada Xukuumadda Adeegsiga Baraha Bulshada, waxaana lagu wargeliyay inaysan ka hadli karin arrimaha Siyaasadda, iyagoo aan ogolaansho ka haysan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM