Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo xilka qaadey [Akhri Sababta]

Image

JOWHAR, Somaaliya - Madaxweynaha cusub, ee maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaadey Gudoomiyahii gobolka Hiiraan, Cumar Aadan Deeqow (Cumar Baadiyow).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in duubabka dhaqanka ay codsadeen in xilka laga qaado Gudoomiyaha Hiiraan, iyadoo aan la sheegin sababta ka dambaysa.

Madaxweyne Waare ayaa Cali Jeyte Cismaan u magacaabay Gudoomiyaha xilka gobolka Hiiraan. 

Cumar Baadiyow ayaa xilka Gudoomiyaha Hiiraan, waxaa u magacaabay Madaxweynihii xilka laga qaadey ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble bishii lasoo dhaafey ee June, 2017.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegaya in Cali Jeyte oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle, oo ahaa madaxii Ololaha Doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa xil ka qaadistan sameeyay, isagoo aan wali la caleema-saarin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM