Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO — Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xabsi guri ku soo rogtay Guddoomiyihii Degmada Baydhabo, Cabdullaahi Watiin.

Guddoomiyaha ayaa lagu eedeeyay inuu door ku lahaa fududeynta baxsiga qaar ka mid ah ciidamada Koonfur Galbeed iyo hub loola baxsaday dhanka degmada Doolow ee gobolka Gedo, oo Jubaland ka taliso.

Xarigga mas'uulkan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Baydhabo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo aad u sarreysa, taas oo ka dhalatay isbeddeladii ugu dambeeyay ee maamulka Koonfur Galbeed iyo is-casilaaddii madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Xaaladda ammaan ee Baydhabo ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana magaalada lagu soo rogay bandow habeenkii ah iyadoo ciidamo badan la dhuubay waddooyinka muhiimka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dumisay Maamulkii Koonfur Galbeed ka jiray, iyadoo arrimo siyaasadeed ka leh, taasoo keentay hubanti la'aan amni, waxaana Villa Somalia wadataa Sheekh Aadan Madoobe oo xilka Madaxweynaha u rabto.

Siyaasiyiin dagaalkii Baydhabo hogaaminaya ayaan ku qanascanayn qaabka dowladda wax u wado, iyagoo sheegay inaysan aqbali doonin wixii ka dagaalameen in lagu soo celiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM