Gudoomiye Aadan Madoobe oo u dhoofay Imaaraadka Carabta

Image
Socdaalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli xiisad siyaasadeed ay ka dilaaceen gudaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudada uu joogo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wadankaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM