Gudoomiye maxkamadeed oo lagu khaarijiyey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa habeenimadii Talaada lagu dilay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Saciid Cumar Xasan oo qaabka loo khaarijiyey warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa lagu beegsaday degmada Wadajir.

Fahfaahinada qaar ayaa tilmaamaya in dilka marxuumka ay dabley ka kooban laba rag ah u adeegsatay Mindi (Toorey).

Warbixino kale ayaa soo jeedinaya Saciid lagu dilay bastoolad, isla markaana uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey rasaasta.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in marxuumka oo ku hubeysnaa bastoolad uu sameeyay iska caabin, uuna dhaawacay mid kamida raga kusoo duulay.

Saraakiisha ammaanka oo ku adkeystay in ay baadigoobayaan ragga falka sameeyay ayaa qiray in ay baxsadeen laba gacan ku dhiigle.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Nabadoon Xasan Yuusuf Baani.

Ma jirto ilaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda dilalkaan oo noocooda oo kale looga bartay dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa ka tacsiyeeyay gaarida marxumiinta, isaga oo codsadey in loo midoobo dagaalka AlShabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM