Gudoomiye maxkamadeed oo lagu khaarijiyey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa habeenimadii Talaada lagu dilay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Saciid Cumar Xasan oo qaabka loo khaarijiyey warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa lagu beegsaday degmada Wadajir.

Fahfaahinada qaar ayaa tilmaamaya in dilka marxuumka ay dabley ka kooban laba rag ah u adeegsatay Mindi (Toorey).

Warbixino kale ayaa soo jeedinaya Saciid lagu dilay bastoolad, isla markaana uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey rasaasta.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in marxuumka oo ku hubeysnaa bastoolad uu sameeyay iska caabin, uuna dhaawacay mid kamida raga kusoo duulay.

Saraakiisha ammaanka oo ku adkeystay in ay baadigoobayaan ragga falka sameeyay ayaa qiray in ay baxsadeen laba gacan ku dhiigle.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Nabadoon Xasan Yuusuf Baani.

Ma jirto ilaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda dilalkaan oo noocooda oo kale looga bartay dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa ka tacsiyeeyay gaarida marxumiinta, isaga oo codsadey in loo midoobo dagaalka AlShabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM