Gudoomiyihii degmadda Qoryooley oo lagu khaarijiyey qarax miino

Image
Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaaraha ay qayb ka yihiin askar ilaalo u ahayd.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Gudoomiyihii degmadda Qoryooley, Saciid Ibraahim Xasan, ayaa Talaadada maanta ah wuxuu ku geeriyooday qarax miino oo lala eegtay gaari uu la socdey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaaraha ay qayb ka yihiin askar ilaalo u ahayd. Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsiyeeyey geerida marxuumka.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa looga bartey falalka noocaan ah. Al-Shabaab ayaa isugu soo aruurtey koonfurta Soomaaliya kadib markii cadaadis uu kasoo fuulay goboladda dhexe.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA LAFTAGAREEN

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan oo ku geeriyooday Qarax ay Argigixisadu ay kula beegsadeen Degmada Qoryooleey.

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Argigixisada Alshabaab mar waliba ay Bartilmaameed uyihiin Haldoorada u adeegaya Bulshada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaana uu xusay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, laguna Xasuusto Doorkii uu ku lahaa Nabadaynta Bulshada Degmada Qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego Shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan Alle ha u naxariistee marxuum Siid Cali Ibraahim Xasan Qaraabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku Timid Marxuumka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftafareen ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.


Qaraxyadda loo adeegsado miinooyinka ayaa kamid ah xeeladaha ay kooxaha argagixisadda la beegsadaan mas'uuliyiinta dowladda kuwaasoo waxyeeladda ugu badan uu kasoo gaaro madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM