Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Yariisow oo geeriyoodey

Image

DOHA, Qatar - Waxaa la xaqiijiyay in Isbitaal ku yaalla dalka Qatar uu ku geeriyoodey Eng C/raxmaan Yariisow, oo lagu dhaawacay weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaadey Xarunta maamulka gobolka Banaadir bishii lasoo dhaafay.

Waxa uu kamid ahaa Gudoomiyaha 12 qof oo dowladda Qatar kasoo qaadey Muqdisho, kadib markii dhaawacyadooda wax looga qaban waayay Isbitaallada magaaladda Muqdisho, u baahday qaliin dibadda ah.

Weerarka lagu qaadey Xafiiska Gudoomiye Yariisow 25-kii July 2019 ayaa waxaa la sheegay inay fulisay qof dumar ah oo isku soo xirtay wlaxaha qarxa, taasoo bartilmaameedsatay qol uu ka socday shir amni.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka oo dadkii ku dhintay ay gaarayaan ku dhawaad 20 qof, oo labo kamid ah ay ahaayeen Gudoomiyeyaashii degmooyinka C/Casiis iyo Waaberi.

Allah ha u naxariistee Eng Yariisow ayaa xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii ugu dambeeyay ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM