Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Yariisow oo geeriyoodey

Image

DOHA, Qatar - Waxaa la xaqiijiyay in Isbitaal ku yaalla dalka Qatar uu ku geeriyoodey Eng C/raxmaan Yariisow, oo lagu dhaawacay weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaadey Xarunta maamulka gobolka Banaadir bishii lasoo dhaafay.

Waxa uu kamid ahaa Gudoomiyaha 12 qof oo dowladda Qatar kasoo qaadey Muqdisho, kadib markii dhaawacyadooda wax looga qaban waayay Isbitaallada magaaladda Muqdisho, u baahday qaliin dibadda ah.

Weerarka lagu qaadey Xafiiska Gudoomiye Yariisow 25-kii July 2019 ayaa waxaa la sheegay inay fulisay qof dumar ah oo isku soo xirtay wlaxaha qarxa, taasoo bartilmaameedsatay qol uu ka socday shir amni.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka oo dadkii ku dhintay ay gaarayaan ku dhawaad 20 qof, oo labo kamid ah ay ahaayeen Gudoomiyeyaashii degmooyinka C/Casiis iyo Waaberi.

Allah ha u naxariistee Eng Yariisow ayaa xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii ugu dambeeyay ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowlad Dhiskii Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur

Marka laga eego gudaha Mareykanka, waxaa jira aragtiyo cusub oo sheegaya in Somaliland….

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 07:26AM

Mogadishu oo halis ku jirta iyadoo Al-Shabaab ay dhul horleh la wareegayso

Warbixinta ay soo saartay The Soufan Center ayaa muujisay in Al-Shabaab…

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:10PM