Guterres oo ka hadlay weeraradii AlShabaab ee Muqdisho iyo Wajeer

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Axadii wuxuu cambaareeyay weeraro ay Al-Shabaab ka geystay Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu yaraan 11 ayaa ku dhimatay, 25 kale ay ku dhaawacmeen markii laba qarax ay Sabtiid ka dhaceen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ku dhowaad 12 askari oo bileyska Kenya ayaa ku geeriyootay marki qarax Miino lagula eegtay gobolka Wajeer gaar ahaan meel ku dhow sohdinta Soomaaliya.

Dhacdooyinkaasi ayaa waxaa sheegtay dagaalameyaasha gacansaarka la leh Shabakadda balaaran ee Al-Qaacida ee fadhigoodu yahay dalka ugu xeebta dheer Afrika.

António Guterres ayaa wuxuu "falal argagixiso" ku sifeeyay labadaasi weerar, isaga oo tacsi u diray ehelada dadkii iyo askarii ku naf-waaysey.

Weerarka lala beegsaday askarta Kenya waxa uu ka dambeeyay markii saddex kamid ah ciidanka keydka laga afduubtay isla degaanka, Jimcadii.

"Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxaan u rajeynayaa in ay si degdeg ah uga soo kabtaan weeraradaasi, waana garab taagan nahay," ayuu yiri António Guterres, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM