Guudlaawe iyo danjiraha Mareykanka oo kawada hadlay doorashada

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xalay qadka talefonka kula hadalay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u jooga dalka Soomaaliya Larry Andre.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Cali Guudlaawe laguna daabacay ciwaanka Madaxtooyadda ee Facebook-ga, madaxweynaha iyo danjiraha ayaa kulankooda ahaa mid isbarasho ah.

"Waxayna sidoo kale ka wadahadleen xaaladaha amniga, dhameystirka arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta qoondada haweenka," ayaa la raaciyey nuqul kamid ah war-saxaafadeedka.

Guudlaawe ayaa, sida ku xusan bayaankan uu arkay warsidaha Garowe Online, wuxuu faahfaahin ka bixiyay arrimaha amniga, qancinta beelaha iyo sidii daahfurnaan loogu dhameystiri lahaa doorashooyinka.

"Dhanka kale Danjiraha ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha sida hufan ee uu u maareeyay dadaalada dib u heshiisiinta iyo arrimaha doorashooyinka," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Wadahadalka Guudlaawe iyo Andre ayaa kusoo beegmay iyadda oo Khamiistii shalay ay Muqdisho ku kulmeen diblumaasiga Ameerikaanka iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalo ay labada dhinac kasoo saareen is-araggaas waxay ku caddeeyeen in ay isku mowqif ka yihiin in aan la aqbali karin dib-u-dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM