Guudlaawe oo la kulmay wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo Muqdisho kula kulmay Wakiilladda Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimada ayaa ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka Amniga iyo Bini'aadanimada.

Madaxweynaha oo kulankaan la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobe, Midowga Africa, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka Igad ayaa uga warbixiyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada iyo sida ay ugu diyaar gaoowday Dowladda Hirshabeelle isagoo cadeeyay inay qaban doonaan doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda, sidoo kale waxa uu kala hadlay Howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabab ee ka socda Magaalooyinka Hirshabeelle waxa uuna soo jeediyay in howlgadaas ay ku biiraan Ciidamada Amisom.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalada Beesha Caalamka ay la garab taagan tahay Soomaaliya isagoo ka codsaday in la garab istaago oo loo gurmado dadka ay dhibaateeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle lagana wada shaqeeyo xal u helida aafooyinka fatahada iyo in la hirgaliyo biyo xireeno.

"Waxaan galabta kulan la qaatay  Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho oo aan ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka Amniga iyo Bini'aadanimada," ayuu yiri Guudlaawe.

Wuxuu ku daray: "Kulanka aan la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobe, Midowga Africa, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka Igad waxaan uga warbixiyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada iyo sida aan ugu diyaar garoownay fulinta heshiiskii Doorashada anigoo u muujiyay inaan qaban doono  doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda, sidoo kale waxaan kala hadlay Howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabab ee ka socda Magaalooyinka Hirshabeelle".

"Waxan u soo jeediyay inay naga caawiyaan fatahaada ee nagu soo noq noqtay si gaar ahna loo caawiyo dadka uu saameeyay fatahaadii dhacday," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka, Amniga iyo Arrimaha Bini’aadanimo iyagoo cadeeyay in Dowladda Hirshabeelle ka caawin doonaan xal u helida fatahaadaha iyo caawinta arrimaha bini’aadanimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM